U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda IMF oo shir ku saabsan arrimaha Deyn Cafinta uga furmay Nairobi

Sheeko:Caalamka

Waxa magaalada Nairobi Nairobi ee dalka Kenya, Shir muhiim ah uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Shirkaan oo ay hormuud ka tahay Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha muhiim ah u ah sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, horumarinta hannaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxa looga arrinsanaya sidii xoogga loo saari lahaa dhamaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya iyadoo la isla eegayo sharuudaha iyo barnaamijka muhiimka ah sidii loo gaari lahaa barta dhammaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si rasmi ah furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in fulinta sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka (PFM).

” Waxa maanta noo bilowday dib eegistii 5aad ee barnaamijka ECF aan leenahay Hey’adda IMF. Waxa aan uga hadli doonaa horumarka aan ka samaynay kicinta dakhliga gudaha, hannaanka MaamulkaMaaliyadda Guud iyo Dowlad wanaagga. Waxa naga go’an in aan sii xoojino dib-u-habeynta Maaliyadda dalka keenna” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur.

Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalaya, Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka iyo Caddaaladda, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya,Xafiiska Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha masuuliyiin ka tirsan iyo Wakiilo ka socda Hey’addaha IMF,Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Hey’addaha kale Soomaaliya taageera.

Goobjoog News