U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir Kaga Qeybgalaya Dalka Algeria

Sheeko:Caalamka
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa gaaray Magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, halkaas oo uu uga qeyb gali doono shir ay isugu inaanayaan wadamada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta, gaar ahaan Wasaaradaha Maaliyadda dalalka Carbeed

Wasiirka ayaa garoonka diyaaradaha waxaa soo dhaweyn u sameeyay isaga iyo  wafdigiisa  wasiirka Ganacsiga Xukumadda Algeria Mudane Kamal Razik iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Algiers Mudane Cabdulwahab Mocalim Maxamed, Wasiir Cilmi ayaa ka hor furitaan shirka gali doona kumalo dooceedyo.

Waxaa lagu wadaa wasiirka inuu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya, iyo dib u habeynta hannaanka Maaliyadda, waxaana sidoo kale lagu wadaa inuu wadamada Jaamacadda Carabta kala hadlo xilligaan xaaladaha dhanka abaaraha ee ka jira dalka iyo gurmadka ay u baahan yihiin shacabka.

Goobjoog News