U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Ka Warbixiyay Safarka Madaxweynaha Ee Kenya

Sheeko:Caalamka

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federalka  Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka uu madaxweynaha dalka , Xasan Sheekh Maxamuud ku joogo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo lagu caleemo-saarayo madaxweynaha la doortay William Rotu.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisu ay Nairobi u tageen marti qaad ay ka heleen dhiggiisa dalka Kenya, si ay ugu qeyb galaan dhaarinta iyo caleema-saarka madaxweyne William Ruto oo dhowaan la doortay, isaga oo qeyb ka ah madaxda Afrika ee ku sugan magaalada Nairobi.

“Sidaad ogtihiin Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir aad u dhow, kaas oo ah waddan aan walaalo nahay oo ay waxyaabo badan innaga dhexeeyaan, marka ka qeyb-galka caleema saarka madaxweynaha waxay tusaale u tahay sida uu usii xoogeysanayo xiriirka labada dal, loona doonayo in labada shacab iyo labada dalba ay muujiyaan iskaashi dhinac kasta ah”.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya , Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay inuu jiro guddi la yiraahdo golaha iskaashiga labada dal, iyagoo iska kaashan doono dhinacyada socdaalka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo waxyaabo kale oo dan u ah dhinacyada, wuxuuna sheegay inay ka wada hadli doonaan labada madaxweyne.

Goobjoog News