U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo La Kulmay Guddoomiyaha Golaha Sare Ee Warfaafinta Masar

Sheeko:Caalamka
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo uu wehliyo Safiirka soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Warfaafinta Masar Mudane Karam Jabar.
Kulanka ayaa looga hadlay Habka looga hortagi karo argagixisada iyadoo la adeegsanayo warbaahinta si dhalinyaradda looga wacyigeliyo dhibaatadda xagjirka iyo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xagga tababarsiinta shaqaalaha dowladda, isla markaana ay isdhaafsadaan macluumaadka xagga wararka.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Qaahira uga qeyb gali doonna Kal-fadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta oo Khamiista soo socota ka furmaya xarunta Jaamacadda Carabta, waxaana kulanka lagu wadaa in looga hadlo iskaashigadhanka warfaafinta.
Magaalada NewYork ayaa  xalay lagu soo gabagabeeyay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta dowlaha jaamacadda carabat, waxaana wasaaradaha dhinaca warfaafinta lagu wadaa in khamiista ay ku kulmaan magaalada Qaahira ee Masar
Goobjoog News