U bood dhigaalka

Wasiirka Waxbarashada Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo Xilka La Wareegay

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir  ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay wasiirkii hore ee waxbarashada  Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Munaasabadda xilwareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka koowaad ee xukuumadda federalka Xamse Cabdi Barre, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bahda waxbarashada oo kamid ahaa martidii lagu casuumay, Ra’iisulwasaare Xamse ayaa si gaar ugu madahdceliyay wasiirkii hore ee waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare xilli uu ka hadlay munaasabadda.

“Waxaan ugu  mahadcelinayaa Wasiirkii hore ee xilka wareejiyey, isagoo tilmaamay in wasaaraddani ay tahay mid leh ahmiyad weyn, shaqo culusna laga sugayo in wasiirka cusub uu ka qabto horumarinta waxbarashadda dalka”. Ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha xukuumadda fedelka oo hadal ka jeediyay goobta munaasabadda ay xilka ay kula wereegayeen.

Maalmihii ugu dambeeyay magaalada caasimadda ah ayaa waxaa ka socday munaasabaddo kale duwan kuwaas oo xilka ay kula wareegayaan wasiirradii hore iyo wasiirrada cusub, waxaana maanta xilka la kala wareegay wasiirro dhowr ah oo ay ka mid yihiin wasaaraha waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare iyo wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Goobjoog News