U bood dhigaalka

Wasiirka Waxbarashada oo Kulan La Qaatay Madaxda Waxbarashada Dowladda Hindiya

Sheeko:Caalamka
Wasiirka wasaardda waxbarashada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Hey’adaha waxbarashada iyo Madax ka tirsan Dowladda Hindiya, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo quseeya Waxbarashada.
Wasiirka oo ay wehliyaan Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir iyo Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur ayaa kulan gaar ah laqaatay Dr. Pradeep Rajpurohit Xoghayaha Guud ee Galbeed Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika), ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dowladda Hindiya.
Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa kor u qaadida xiriirka labada dal iyo iskaashi labada dal. Dhanka kale Wasiirka ayaa kulan laqataay Hey’adda u qaabilsan Deeqaha waxbarashada ee caalamka dowladda Hindiya {Indain Council for Cultural Relations }
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ka faa’iideysta Deeqaha kala duwan ee waxbarashada dalkan Hindiya.
Wasiirka waxbarashada ayaa kala Hadlay sidii loogu kordhin lahaa qoondada Soomaaliya iyo in labada dowladood ay iska kaashadaan hubinta deeqahaas waxbarasho iyo in sidii loogu talagalay looga faa’iideysto.
Sidoo kale Wasiirka ayaa Kulan laqaatay Machadka Tegnolojiyadda dalkaas {Indian institute of techbology Delhi}
Wasiir ayaa kala hadlay sidii ay Soomaaliya uga caawin lahayeen xirfadaha kala duwan oo uu dalkeena aad ugu baahan yahay sidoo kale tignoolajiyadda iyo seyniska casriga ah in ay bartaan ardayda Soomaaliyeed ayna helaan tababaro ku filan xiliga waxbarashada.
Dalka Hindiya waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu badan ee ay dadka Soomaaliyeed u doontaan adeegyada kala duwan sida waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga, waxaana kala dhaxeeya xiriir qoto dheer oo dhinacyadaas la xiriira, waxaana sanad waliba waxbarash iyo caafimaad u aada muwaadiniin Soomaaliyeed.
Goobjoog News