Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Somaliland oo sheegay in 61% Dhaqaalaha loo Adeegsado Sifo aan Sharci ahayn
Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Injineer Maxamed Xaashi Cilmi oo hadda ah falanqeeye arrimaha dhaqaalaha, ahna sidoo kale siyaasi ka tirsan madasha wadatashiga oo ah urur ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin iyo aqoonhanno madax banaan ayaa xukuumadda Somaliland iyo golaha baarnamaankaba ku dhaliilay inay sharci jabin ku sameeyeen dastuurka Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay dhinaca isticmaalka hantida dadweynaha oo uu xusay in labada dhinacba ay si qaldan u adeegsadaan .
Maxamed Xaashi oo ka hadlay eedaynta uu xukuumadda ugu hayo isticmaalka dakhliga Somaliland soo gala iyo iibin uu sheegay in ay xukuumaddu ku waddo hanti ka dhaxaysay bulshada ayaa waxa uu yiri, “Somaliland hadda waxa ka dhaca ku takri fal hantida umadda ah sababta oo ah waxa la wada iibiyey dhammaan hantidii guud ee dawladdii Maxamed Siyaad barre dalka kaga tagtay meel la mariyeyna la garan maayo baahi loo iibiyeyna cid sheegtay ma jirto “.
Maxamed Xaashi Cilmi ayaa baarlamaanka ku dhaliilay inay xukuumadda heshiis kula yihiin sharci jabinta gaar ahaan muddo kordhintii 2 sanno ee hore uu madaxweyne Siilaanyo ugu darsaday muddadiisii xil haynta iyo mid kale oo uu shegay inuu ka cabsi qabo, “Haddii muddo kordhin la samaynayo waa in la sababeeyo oo la sheego baahida keentay oo ay ka mid noqon karto dalka oo xaalad adag gala sida dagaalo balse in waqti uun lagu darsado waa sharci lagu tuntay” ayuu Maxamed Xaashi sheegay .
Maxamed Xaashi Cilmi wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland waxa uu ka hadlay qaabka golaha wakiilada ee Somaliland u ansixiyaan xeerarka xukuumaddu u soo gudbiso oo uu ugu dambeeyey kii dekadda Berbera waxaanu yiri” heshiiskii dekadda Berbera waxa lagu ansixiyey duuduub oo macnaheedu yahay waxaad xukuumad ahaan waddaan waan idinku taageersannahay ma aha shaqo iyo nidaam sharci ugu yaraan waa in dood lagu qanco ka dib la ansixiyo xeerka balse tani waa ceeb kale oo dul hoganaysa golaha”.
Maxamed Xaashi ayaa sheegay sidoo kale in xog baaris uu ku sameeyey qaabka loo isticmaalo dakhliga soo gala xukuumadda isaga oo adeegsanaya aqoonta uu u leeyahay wasaarada maaliyadda ee uu wasiirka ahaan jiray uu ku ogaaday in lacag ku dhiganta 61% loo adeegsado sifo aan sharci ahayn oo aan loo baahnayn “ 49% kaliya ayaanu si sax ah u adeegsanaa inta kale waxay ku baxdaa meel aan loo baahnayn, waxa tusaale u soo qaatay 59 wasiir ayaa xukuumadda ka tirsan wax 15 ka badanna looma baahna sidaasi darteed lacag kasta oo ku baxda wasaaradaasi iyo goobaha ay ka shaqeeyaan waa lacag sharci darro ku baxday”.
Maxamed Xaashi ayaa ku soo koobay war uu siiyey warbaahinta in loo baahanyahay in shacabku ka dhiidhiyaan qaladaadka uu soo sheegay oo uu xukuumadda iyo baarlamaanka ku eedeeyey waxanu intaasi ku daray in loo baahan yahay sidii looga gaashaaman lahaa in maamulka soo socda uu u noqdo mid shaqo ahaan ka duwan kan uu dhaliilsan yahay ee hadda jira.
Goobjoog News