Wasiirrada u Tartamaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Faray Inay Is-casilaan, Akhriso Shuruudaha Kale

Guddiga Qaban-qaabada doorahada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa goordhow soo saaray shuruudaha laga rabo qofka u tartamaya jagada guddoomiyaha golaha shacabka.
Akhriso, Shuruudaha Oo Dhameystiran:
Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa.
Murashaxa u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada waa inuu guddiga qaban-qaabada u keenaa caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo.
Kharashaadka is-diiwaangelinta murashaxiinta waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No 127 ee golaha shacabka ku leeyahay bangiga dhexe ee dowladda.
Jadwalka Doorashada:
Waqtiga Diiwaan-gelinta murashaxiinta Guddoomiyaha golaha shacabka 10.00 am-05.00 PM(Taariikh 23-24 April 2018 Isniin iyo Talaado).
Hadal-jeedinta murashaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 25-26 April 2018, Arbaco iyo Khamiis).
Diyaar-garowga iyo is-xog wareysiga guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka(Taariikh, 27, 29, 2018, Jimce, Sabti iyo Axad)
Doorashada Guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 30 April 2018, Isniin.
Goobjoog News
Jbbfxj fckbnk canadian pharmacy cialis 20mg cialis 20 mg price walmart
Uuwdcl xkmfkn Buy pfizer viagra cialis online canada
Jzlvat lwphne Real viagra online canadian online pharmacy
Trcsrz igdspv best online pharmacy Xppse