U bood dhigaalka

Wasiirro Dhowaan Madaxweyne Deni uu Magacaabay oo La Dhaariyey.

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda  goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiirro iyo Wasiirro ku-xigeeno uu dhowaan Madaxweynuhu magacaabay oo galabta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyey.

Munaasabadda Dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, halkaasi Wasiirada cusub uu dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , iyadoo uu Madaxweynuhuna goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah .

Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta Wasiirada iyo Wasiiro ku-xigeennada cusub, wuxuu marka hore Dowladda iyo Shacabka Puntland uga tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday maanta Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub ee maanta la dhaariyey kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo masuuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isago alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo masuuliyiintan cusub ee dowladda kusoo biiray.

Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasiir Ku-xigeenada cusub ee la dhaariyey:

1 Eng. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska.
2 Eng. Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.
3 Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda
4 Ismaaciil Saleebaan Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta
5 Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombe) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda BIyaha, Tamarta iyo Macdanta.
6 Saynab Ismaaciil Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda
7 Cabdiqani Axmed Ismaaciil ( Deero Dile) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Goobjoog News