Wax Ka Baro Taariikhda Degmada Xamar-jajab

Degmada Xamar-jajab waa mid ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, xoriyaddii ka hor gumeystaha waxaa uu ku lahaa xarumo waaweyn.

Ciidamada xoogga dalka muhiimad gaar ah ayey u leedahay degmada,  oo waxaa degaanaa ciidamada Cirka, badda iyo dhulka.

Degmada Xamar-jajab waxa ku yaallo dekadda magaalada Muqdisho, taas oo ah halka ugu badan oo dalka uu dakhli ka soo galo, degmadan waxaa ay marti-gelin jirtay Kuleejooyin badan oo ay ka mid yihiin Oorfane, Majirtalaaso .

Xamar-jajab ayaa ah degmada ugu badan gobolka Banaadir oo ay ku yaalaan saldhigyada booliska Soomaaliya marka loo eego degmooyinka kale.

Ge. Cabdirashiid Aadan Xirsi oo ah  taliyaha xarunta Kaahiye ayaa Goobjoog News uga waramay arrintani waxaa uuna yiri “Waa degmada xiriirka bulshada oo ay laleedahay akadeemiyadda Kaahiye, Xamar-jajab waxaa ku yaalay saldhigyo badan oo ay leeyihiin ciidamada oo ay ka mid tahay Efisyooni, iskoolka booliiska iyo laanta ilaalinta canshuuraha”.

Xilliyadii uu qalalaasaha uu ka jiray Muqdisho Xamar-jajab waxa ay aheyd degmadii ka badbaaday dhibaatii xooganeyd ee jirtay, waxaana dulsaar ahaan u dagay dadkii ka soo qaxay degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.

Cabadiweli Cabdullahi Maxamed oo ah guddoomiyaha degmada ayaa Goobjoog News uga warbixyey arintani “degmada taariikh ahaan gobolka Banaadir waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu qadiimsan, waa degmo dadka degan ay isku xiranyihiin, waxyaabaha ay degmooyinka kale ay uga duwantahay waxaa ka mida dagaalladii sokeeye ee dalkani soomaray, waa degmada aan dhihi karo saameyn kuma yeelan dagaalladaasi,”.

Xerada Efisyooni waxa ay aheyd meesha xudunta u ah kulamadii ay sameyn jireen saraakiishii sameysay afgambigii aan dhiigga, kaasi oo dhacay 20,October 1969-kii.

Maxamuud Sheekh Cali taliyaha ciidanka Cirka waxa uu yiri “waxa ay ahaayeen saraakiishii joogtay halkani, guryihii saraakiisha qaarkood ayaa xafiisyo madaxweynaha looga dhigay “.

Goobo badan oo waxbarashada iyo caafimaadka ayey leedahay degmada,  Isbitaallo haatan shaqeeyo waxaa ka mid ah Martiini, Damiiri iyo Unicef, MCH-yada ku yaallo waxa ay bixiyaan adeegyada talaalka caruurta iyo daryeelka la xiriira hooyada iyo dhallaanka.

Goobaha waxbarasho ee ku yaallo degmada Xamar-jajab waxaa ka mida Iskuulka Gaheyr, Iskuulka Qasabka iyo Iskuulka Xamar-jajab, saddexdaan Iskuul ayaa ah kuwa ugu waaweyn degmada.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW