U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Taariikhda Taliyeyaasha 4-ta Ah Ee Ciidanka

Sheeko:Dalka, War

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khamiistii ku dhawaaqay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, arrintan uu ku sheegay shir jaraa’id uu qabtay waxaa uu sidoo kale ka hadlay isbadal lagu sameeyay laamaga amniga.

Madaxweynaha Waxaa uu sidoo kale ka hadlay isbadal lagu sameeyay Taliyeyaal ciidanka”Waxaa qeybaha kala duwan ee amniga ciidamada qalabka sida qof walbo oo ka tirsan ciidamada qalabka sida, waxaan amar ku siinay inay heegan galaan oo ay qeyb ka qaataan nabadeynta magaalada Mugadisho kow iyo guud ahaan gobolada dalka, qeyb-weyn ka qaataan, maantana runtii is badal ayaa dhacay oo waxaa yimid taliyaal cusub haday noqo xoogga taliska nabad sugidda iyo booliska iyo guud ahaan.”

Mas’uuliyiinta Madaxweynaha Kala Shaqeyn Doona Dhanka Amniga:

Taliyaha Ciidanka Xoogga, Jan. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid:

Jan. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, Waa Janaral aqoon fiican u leh ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, saraakiil ciidamada ka tirsan xoogga dalka waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in uu yahay shakhsi aqoon sare u leh waxbarashada iyo hor-marinta ciidanka, waxaa uu soo bartay waxbarasho ciidan, waxaa uu ka tirsanaa ciidanka Dallaa-yadaha, waxaa taliye ka soo noqday Goldogob iyo Yeed.

Dowladdii Sheekh Sharif waxaa loo magacaabay taliyaha Ciidamada xoogga dalka, 4tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu ka tirsanaa baarlamaanka 9aad, hadda waxaa mar kale  loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe:

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxaa uu ku dhashay Buulobarde 1968-dii, 2011-2012-kii, waxaa uu dowladda Sheekh Sharif noqday wasiirka amniga kadib markii uu geeriyooday Col. Cumar Xashi Adan, 2013/2014: waxaa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Ingiriiska, 2014-kii, dowladda Xasan Sheekh waxaa muddo 2 bil ahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugida , 2015-2016 waxaa kaloo uu muddo noqday safiirka Soomaaliya ee Turkiga, mar 2015-kii lagu soo daray liiska wasiirro uu soo magacaabayey Cumar Cabdirashid waxaa uu ka mid ahaa dadkii la diiday, maanta waxaa mar kale loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida.

Dhanka waxbarashada waxaa uu ka qalinjabiyay Oxoford University isagoo oo bartay diblomaasiyadda iyo globol governance  isaga oo sidoo kale MPA ka qaaday jaamacadda Mareykanka ee ku taallo magaalada Nairobi ee USIU.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid):

Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid), waxaa uu ahaa Sarkaal muddo ku soo dhex jiray ciidanka Booliiska, waxaa uu horay ula soo shaqeeyay Farmaajo markii uu ahaa ra’isul wasaaraha, March 29, 2011 Ra’isul Wasaare Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dhigay ku xigeenka taliyaha Booliiska oo uu xilligaasi ahaa Sheekhuna Maye, May 11, 2013-kii waxaa uu noqday taliya booliiska jagadaas uu iska casilay sanad kadib markii qaraxyo lala beegsaday madaxtooyada Villa Somalia, mar kale hadda waxaa mar kale loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska 

Taliyaha ciidanka Asluubta, Jan. Xuseen Xasan Cismaan:

Jan. Xuseen Xasan Cismaan, waxaa uu horay 4 sano u soo ahaa taliyaha ciidanka Asluubta, burburkii ka hor waxaa uu ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kadib waxaa uu u soo wareegay ciidanka asluubta, waxaa sareeye Gaas, waxaa mar kale loo magacaabay taliyaha Asuubta.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka: Jan. Cabdulahi Cali Caanood

Jan. Cabdulahi Cali Caanood waxaa taliye aad looga yaqaano ciidanka xoogga dalka, xiliggii Siyaad Barre isaga oo kabtan ciidanka madaxtooyada ayuu dhigan jiray kuliyadda afafka, waxaa uu noqday taliyaha gaaska koowaad ee ciidanka xoogga dalka, june 25, 2014 waxaa loo magacaabay taliyaha xoogga dalka, waxaa uu kadib noqday taliyaha qeybta 21aad ee gobollada dhexe, waxaa loo magacaabay Abaan-duulaha Ciidamada Xoogga.

 

Goobjoog News