U bood dhigaalka

Waxba Kama Ogaan Kartid Muqdisho Adiga oo Aanan Banaanka Uga Bixin

Sheeko:Caalamka

Dadka Muqdisho ku nool ama soo booqda waxaa laga yaabaa in ay ku gaabsadaan ka warqabista xaafadaha magaalada iyo meelaha muhiimka ah, laakiin xaqiiqda waxa ay tahay in taasi aysan kugu filneyn in aad si dhab ah wax oga ogaato magaalada Muqdisho adiga oo aanan banaanka oga bixin.

Shalay oo ahayd maalin ciid ah, wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News ayaa booqasho dalxiis u aaday magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose , halkaasi oo sidoo kale ay u damaashaad tageen boqolaal ka tirsan dadka Muqdisho.

Qofka ku indheystey, lana qabsaday nolosha degen ee caasimadda, layaab iyo ashqaraar ayay ku noqoneysaa marka uu tago deegaanada Muqdisho ka baxsan laga bilaabo degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, malaha waa waddada ugu mashquulka badan ee gobol aadda, ma jiro gaari aanan dad la ciirciireynin oo dariiqaasi maraya, waxaa u badan gaadiidka dadweynaha ee caasiyada loo yaqaano oo wadayaasha ay ku baratamayaan sidii ay dariiqa ugu kala horumari lahaayeen.

Waxa koowaad ee madaxa kula weynaanaayo waa tirada dadka ku nool deegaanada u dhaxeeya Afgooye iyo Xamar, iyo inta ay la’egyihiin dadka dariiqaasi isticmaalaya, halkaasi oo saxmadda baabuurta iska caadi tahay.

Marka aad u fiirsatid kumanaanka qof ee magaalada kusii gurmaya waxaad is dhahaysaa saacado gudahood ayay Muqdisho ku buuxsami doontaa, balse haddane marka aad aragtid kumanaanka kale ee kasii qulqulaya waxaad markale is dhahaysaa maba jiro hal qof oo magaalada ku haray.

Gaadiidka xamuulka ee sida qudaarta iyo dalabyada ee hoganaya baraha koontarool ee magaalada banaankeeda ah ayaa iyaguna ah daliil kale oo ku tusineysa halka uu dhoco halboowlaha dhiigga ee Muqdisho, waxaana naloo sheegey in haddii gaadiidkaasi uu hal maalin istaago in caasimadda uu ka dhici karo qalalaase cuno yaraan iyo nafaqo darro ah.

Inkasta oo deegaanka Ceelasha biyaha ee loo barokacay markii ay dagaalada ka jireen Muqdisho uu yahay kan ugu caansan , haddane ma ahan meesha kaliya ee sida rasmiga loo deegaameystey, magaalooyinkana ay ka sameysmeen ee duleedka magaalada Muqidisho ah, tanina waxa ay caasimadda ka dhigeysaa hal magaalo weyn oo daadihineysa magaalooyin yaryar oo badan oo dul kulaalaya.

Marka ay halkaasi taagantahay , maamulayaasha magaalada Muqdisho waa in ay maanka ku hayaan in wanaagga ama xumaanta caasimadda ay markasta ku xirnaan doonto hadba waxa ay qabaan dad duleedka magaalada degen ama waxyaabaha deegaanadaasi ka jira.

Waxa ugu horeeya ee dadkani u baahanyihiin waa waddooyin wanaagsan oo ay magaalada usoo maraan, tanina waxa ay gacan ka geysan doontaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Amniga deegaanadani, heerka caafimaad iyo waliba wax soosaarkood dhamaan waa wax si toos ah saameyn ugu leh magaalada Muqdisho, kuwaasi oo haddii ay dayacmaane ay sidoo kale dayacmayaan waxa la mid ah ee Muqdisho ka jira.

Shaki kuma jiro in baahi aad u xoog badan oo xagga adeegyada bulshada ah ay halkani ka jiraan, waxana qofka taga uu dareemayaa xaqiiqada rasmiga ah ee ka taloowsan muuqaalada quruxda badan ee dowladda kasoo bandhigto taleefishinka qaranka.

Balse sida uu qabo mid ka mid ah dadka deegaanka , inta aanba wax kale la gaarin baahida ugu weyn ee dowladda hadda ay tahay in ay wax ka qabato ayaa ah in ay dariiqyada iyo meelaha muhiimka ah dhigto ciidamo iyagu asluubeysan oo kala haga gaadiidka iyo dadweynaha, illaaliyana nidaamka iyo kala dambeynta , kuwaasi oo ka duwan kuwa tirada yare e iyaguba bahdilan ee dariiqa qoriga la taagan ee boonooyinka iyo canshuurta yar ku xisaabtamaya.

Goobjoog News