U bood dhigaalka

Wax qabadka Dowladda Soomaaliya ee todobaadkii tagay oo la soo saaray

Sheeko:War

dhuxulowWasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Munaasabadda Ciidul Fitriga, Guddiga Sare ee Jaamicadda Ummadda oo la howlgeliyey, Heshiiskii maamulada Gobolada Dhexe, Madaxweynaha oo booqday Garbaharey, Xasilinta Muqdisho oo si fiican u socota, Maxkamadda ciidanka oo dil toogasho ku xukumay xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyo Dowladda oo dhiirigelin u sameysey Carruur indhoolayaal ah.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku bilaabay munaasabadda Ciidul Fitriga oo uu yiri “28kii July oo aheyd maalintii koowaad ee Ciidul Fitriga ayaa si heer sare ah loogu dabaaldegey dalka gudihiisa iyo dibediisaba. Ciiddan ayaa aad uga duwaneyd ciidihii hore oo gobollada intooda badan iyo caasimaddaba si nabad ah loogu ciiday, isla markaana shacabku ay si weyn ugu dabaaldegeen. Madaxda Qaranka ayaa shacabka kula dukaday ciida masaajidka Isbaheysiga halka shacabkana ay suuqyada, magaalooyinka iyo xeebaha Soomaaliyeedba si heer sare ah loogu damaashaaday. Ciiddan ayaa shacabka xasuusisay ahmiyadda nabada iyo dowladnimada taasoo xoojineysa dadaalada dowladda ee ku wajahan nabadeynta dalka iyo hirgelinta dib u heshiisiin waarta oo shacabka la dhexdhigo.”

 

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Guddiga Sare ee Jaamicaddda Ummadda ayaa yiri “27kii July ayaa Madaxda sare ee dalka ay ka qeyb galeen munaasabad lagu hirgelinayay Guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Madaxda Jaamacadda, Qeybaha bulshada, wasiiro iyo mas’uuliyiiin kale ayaa ka qeybgalay xafladan. Guddoomiyaha Jaamacada Ummadd Soomaaliyeed Dr Maxamad Axmad Jimcaale ayaa goobta ku soo bandhigay Muuqaalo ka turjumaya sidii ay ahaan jirtay Jaamacadda bur burkii dalka ka hor ayaa qorshaha hadda dib loogu furayo jaamicadda ummadda soo bandhigay. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamad ayaa sheegay inuu aad ugu farxsany dib u howl gelinta guddiga sare ee Jaamacadda, isagoo xusay in tani ay bulshada Soomaaliyeed u horseedi doonto inay helaan tacliin sare, haddii dib loo howlgeliyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa talaabo aad loogu farxo ku tilmaamay dib u howlgelinta guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyagoo uga mahadceliyay Madaxda Jaamacadda iyo sida ay uga go’antahay in bulshada ay ugu adeegaan.”

 

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Heshiikii maamulada Gobolada Dhexe ayaa yiri “Dadaal wadahadal oo ay dowladdu waday muddo bil ah ayaa lagu guuleystay 30kii July in maamulada gobolada dhexe ay isku afgartaan inay wada sameystaan Maamul Goboleed ka kooban Galgadud iyo Mudug kaas oo waafaqsan dastuurka kuna yimid rabitaanka shacabka iyadoo ay dowladda Federaalku ay hoggaamineyso. Heshiiskan ayaa wada saxiixay Maamulada Gal-Mudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda Qaranka, xubnaha Golaha Wasiirada, Diblomaasiyiinta caalamka oo ay ka mid ahaayeen Ergeyga Gaarka ah ee QM, Safiirka Midowga Yurub, Safiirka IGAD, Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa la isla gartay in 10 cisho gudahood la soo magacaabo guddi farsamo oo ka howlgala sidii loo dhisi lahaa maamul goboleedka Gobolada dhexe, kaas oo ka kooban dhammaan qeybaha bulshada ee deegaanka. Sidoo kale dowladdu waxey u xilsaartay guddi heer wasiiro ah oo guddigaas farsamo kala shaqeeya sidii maamulkaas loo hirgelin lahaa. Tan ayaa ah horumar ballaaran oo laga gaaray dhanka dhaqangelinta Federaalka ee Somalia.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey booqashadii Madaxweynaha ee Garbaharey ayaa yiri “ Madxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa 31kii July booqday degmada Garbaharey oo uu maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kulamo la qaatay. Madaxweynaha ayaa booqashadiisa ay la xiriirtay sii xoojinta is gaarista bulshada iyo dowladda iyo u kuurgalid xaalada guud ee degmada Garbaharey. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo shacabka deegaanka sida ay ammaanka uga wada shaqeeyeen, isla markaasna baaq u diray caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan sidii dadka deegaanka loola soo gaari lahaa gargaar bani’aadanimo bacdamaa ay calaamadihii abaaraha ba’an ay muuqdaan. Siyaasadda dowladda ayaa ah in la xoojiyo xiriirika maamulada gobollada iyo kan Dowladda Federaalka si loo dar-dargeliyo barnaamijyada dib u eegista dastuurka, dhaqangelinta federaalka iyo hirgelinta nidaamka dimoqraadiyadda si doorashooyin looga hirgaliyo dalka sanadka 2016 ka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey guulaha laga gaaray Xasilinta Muqdisho ayaa yiri “ Hay’adaha Amniga ayaa ku guuleystay inay howlgallo ka sameeyaan Muqdisho oo lagu sugayo amniga kuwaas oo lagu guuleystay oo looga hortagay falal ay kooxaha nabad-diidka ah ay damacsanaayeen iny qaraxyo argagax ah ka sameeyaan caasimada. 27kii July ayaa bakhaar laga soo saaray hubab fara badan oo noocyo badan isagu jiraan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 3 qoryaha diirada leh ee casriga ah, 5 kartoon miinooyin ah, 18 kartoon bambada gacanta, 15 kartoon oo rasaas ah iyo hubab kale. Dowladda ayaa gacanta ku heysa hubkaas isla markaana baareysa cidii ka danbeysey. 29kii July ayaa sidoo kale gaari miino lagu soo xiray laga hortagay agagaarka xeebta Liido oo shaqsigii soo sheegayna la abaalmariyey tanoo ka badbaadisay shacabka u damaashaad tago Liido in waxyeelo loo geysto. Sidoo kale 30kii July waxaa Suuqa Bakaaraha lagu dilay labo ka mid ah kooxaha Al-Shabaab oo halkaas falal dil ah ka waday oo laga hortagey.”
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Maxkamadda Ciidanka oo dil toogasho ku xukuntay qaar ka mid ah Al-Shabaab ayaa yiri “Maxkamadda Ciidamada ayaa 30kii July dhageysatay dacwo ciqaabeed loo haystay saddex eedeysane oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuna riday xukunno isugu jira dil iyo xabsi daa’in ah. Xasan Maxamed Xasan oo Al-Shabaab u fududeeyay weerarkii Madaxtooyada lagu qaaday ayaa lagu xukumay dil toogasho ah. Aadan Maxamed Xasan ayaa isna lagu xukumay dil toogasho ah ka dib markii uu qirtay inuu dilay 19qof isla markaana lug ku lahaa dilalka 13 qofood, kana tirsanaa Al-Shabaab, kaalina ku lahaa dilalkii loo geystey Maxamed-deeq Cabdi Aadan oo ahaa xisaabiye dowladda u shaqeeya, Xildhibaan Cabicasiis, Xaawo Aadan iyo Xafso Cabdi Nur. Ugu danbeyntii Bashiir Maxamed Xasan ayaa isagana lagu xakumay xabsi daa’in ah.”
Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu danbeyntii ka hadlay dhiirigelinta ay dowladdu u sameyneyso caruurta indhoolayaasha ah ayaa yiri “Marwada Ra’iisul Wasaaraha Fartun Axmed Diriye ayaa deeq raashin ah gaarisiisay ardeydan indoolayaasha ah, una ballanqaaday taageero joogta ah. Waxaana 31kii July aan ku casuumay xarunta Wasaarada iyo TV-ga Qaranka caruurtaas indhoolayaasha ah, halkaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kula hadleen TV-ga Qaranka. Ardeydan indhoolayaasha ah ayaa soo bandhigay hamigooda iyo sida ay rajo wanaagsan uga qabaan mustaqbalkooda. Ardeydan oo ka kala timid gobollada dalka ayaa iskuulka Al-Bashir Abiikar Xuseen ee Muqdisho wax ku barta. Qaar ka mid ah ardeydan ayaa sheegay sida ay rajo wanaagsan uga qabaan inay xilal qaran dalka ka qabtaan mustaqbalka. Ardeydan ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay taageeraan indhoolayaasha Soomaaliyeed si ay u helaan waxbarasho iyo shaqo. Maalintii Ciida ayaa caruurtan la soo ciiday, isla markaana u soo ballanqaaday inaan keeno xarunta Idaacada iyo TV-ga Qaranka si ay ula hadlaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaana u ballanqaaday inaan dalabkooda gaarsiin doono dowladda si indhoolayaasha loo caawiyo isla markaana aan baaq u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo Qurbojoogta Soomaaliyeed si carruurta indhoolayaasha ah ay u helaan fursada la mid ah carruurta kale.”
– DHAMAAD –

Wasaaradda Warfaafinta & Hannuunita Dadweynaha