U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidamada Dowladda Ku Leeyihiin Owdheegle

Sheeko:Amniga

Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa barqadii maanta waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Owdhiigle ee gobalka Shabeelllaha Hoose.

Weerarka oo ku bilaawday Qarax gaari oo ay fuliyeen naftood hurayaal ayaa waxaa xigay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda ee ku sugnaa goobta iyo qolyihii weerarka soo qaad.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isgu jira dhaawac iyo dhimasho, in kastoo aan la helin tirade saxda ah ee wax ku noqotay Qaraxa iyo weerarka maanta ka dhacay degmada Owdheegle.

Sidoo kale taliyaha ciidanka luqta general Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaallaan  hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhaka kale Alshabaab  ayaa sheegtay weererka ka dhacay Owdheegle, war qoraal ah ay ku soo dhigeen barahooda ayeey ku  sheegay in laba Qarax ay ku weerareen goobta khasaare badan ay ku gaarsiiyeen ciidamadii ku sugnaa saldhigga uu weerarku ka dhacay.

Goobjoog News