U bood dhigaalka

Werar Dad Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkino Faso

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay waqooyiga dalka Burkino Faso, halka afar kalena weli aan la heyn halka ay ka baxeen sida ay sheegen warbaahinta dalka galbeedka qaaradda Afrika.

Kooxa aan illa iyo hadda la aqoonsan heybtooda ayaa lagu soo waramaya in ay weerarka ku qaadeen suuq ku yaalla magaalada Markoye ee dalka Burkino.

Dadka la dilay ayaa xilliga uu falka dhacayay waxa ay saarnaayeen gaari xilli suuqa weyn ee magaalada Markoye ay marayeen.

Markoye oo ah magaala dhacda xadka dalalka Mali, Niger iyo Burkino Faso ayaa waxaa inta badan weeraro ka geysta kooxa argagaxisa ah kuwaas oo tira dhowr jeer oo horay ah dilal saf mar ah ka geystay xadka.

Weerarka oo dhacay Isniintii gelinkeedi dambe ayaa waxa uu ku soo aday xilli Burkino Faso looga dabaal dagayay maalinta ciidamada dalkaasi oo ay ka soo wareegatay 61-sano.

Axaddii todobaadkaan ayeey aheyd markii sidaan oo kale weerar ay magaalada ku soo qaadeen kooxdan aan heyb tooda la aqoon ay dil u geeysteen 4 askari iyo 15 qof oo shacab ah.

Goobjoog News