U bood dhigaalka

WHO: Omicron Wuxuu Uu U Faafayaa Si aan Horay Loo Arag

Sheeko:Caalamka

Madaxa guud ee hay’adda caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in nooca cusub ee xanuunka Corona uu si aad ah ku faafayo.

Tedros ayaa xusay in todobaddayadii la soo dhaafay ay isasoo tarayeen kiisaska Omicron, dalal badan oo dunida ku yaalana xanuunka lagu arkay.

“Omicron wuxuu uu u faafayaa heer aanan horay loo arag,  Waxaan u baahanahay inaan si cad u sheego: tallaalada oo keliya kama saari doonaan waddamadaa dhibaatadan” ayuu yiri agaasimaha WHO.

Tedros Adhanom ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in loo baahan yahay in la soo celiyo dhamaan taxadaradi looga hortagi jiray xanuunka Corona wejigiisi hore.

“Ma aha tallaalo kaliya waxaa loo haaban yahay in la isticmaalo weji-xidhka, kala foogaanshaha, nadaafadda gacmaha iyo ka digtoonaanta neef kala qaadista” ayuu yiri Tedros Adhanom .

Adhanom ayaa ugu dambeyn ugu baaqay in dadka in ay qaadaan talaaboojinkan ayna qasab tahay in xanuunka faafistiisa laga hortago.

WHO ayaa xaqiijisay in 77 wadan laga helay hadda kiisas ku saabsan xanuunka Omicron, iyadoo xayiraado lagu soo rogay dalalkaas.

Goobjoog News