U bood dhigaalka

Wiil uu adeer u ahaa RW hore Soomaaliya oo lagu dilay Ciraaq

Sheeko:War
Saacid wiilkii
Faarax Maxamed Faarax Shirdoon

Warar ay qoreen qaar ka tirsan wakaaladaha wararka ee dalka Canada ayaa sheegaya in dalka Ciraaq lagu dilay Faarax Maxamed Faarax Shirdoon oo ah nin Soomaali Canadian ah islamarkaana uu adeer u ahaa ra’iisul Wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid xilli uu ku biiray kooxda Daacish ee ka dagaalama dalkaasi.

Michel Coulombe oo ah Madaxa ugu sareeya Sirdoonka Canada ayaa daaha ka rogay inay ka war qabeen in Faarax uu aaday dhinaca Ciraaq, isla markaana uu muuqaal kasoo dhax muuqday isagoo Baasaboorkiisa Gubaya una hanjabaya dowladda Canada.

Wasiirka arimaha Dibadda Canada John Baird oo saxaafadu arrintan ay wax ka weydiisay mar uu shir jaraa’id qabanayay ayaa sheegay inay ka warqabaan arrintaasi, balse uusan rabin inuu hada ku dheeraado ka hadalka macluumaadkaasi.

Bishii June ee Sanadkan ayay ahayd markii Faarax Maxamed Faarax Shirdoon oo ka mid ahaa qaxootiga Soomaalida degenna magaalada Calgary ee dalka Canada uu si rasmi ah ugu biiray kooxdan ka dagaallanta Ciraaq iyo Siiriya.

Soomaali badan oo ku noolaa qaaradaha Yurub iyo Mareykan ayaa ku dhiiraday inay ka mid noqdaan kooxaha ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.