U bood dhigaalka

Xaalada Bardaale oo saaka degan kadib dagaal shalay ka dhacay

Sheeko:War
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo saaran gaari dagaal.
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo saaran gaari dagaal.

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya saaka dagaallo shalay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa xarakada Al-shabaab ku dhex maray deegaanno ka mid ah gobalka Baay.

Dagaalladani oo ka dhacay deegaan hoos taga degmada Bardaale ee gobalka Baay ayaa la soo sheegayaa inay sii kordheen khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay.

In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootay dagaalkan, waxaana lagu soo warramayaa in saaka xaaladdu ay tahay mid degan.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa deegaankaasi gudaha u galay sida uu soo sheegay Wariye Cabdikariin Macalim oo Goobjoog FM uga soo warama Baydhabo.

Xarakada Al-shabaab ayaa ka arrimisa deegaano hoos yimaada gobollada koofureed ee dalka sida gobollada Baay iyo bakool, iyadoo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ay ku suganyihiin magaalooyinka waa weyn ee gobolladaas.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo imika ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay mar dhow bilaabayaan wajigii labaad ee howlgal lagula dagaalamayo xarakada Al-shabaab.