U bood dhigaalka

Xaliimo Yarey oo Maanta Laga Sugayo Iney Dhahdo”Qof iyo Cod waan Qaban karaa ama Maya”

Sheeko:Baarlamaanka

Kadib dib u dhac horay ugu yimid ku dhawaaqista waqtiga doorashada ayey mar kale maanta oo sabti ah u balansan yihiin guddiga madaxbannaan ee doorashada si ay ugu cayimaan maalinta la aadayo doorashada 2020/2021.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada u qabtey iney ku hortimaado 27-ka oo ku beegan maanta, iyada oo la doonayo ku dhawaaqista waqtiga doorashada 2020/2021.

Lama oga iney u diyaarsan tahay arrintan iyo in kale, laakin balantan ayaa ah fursadda ugu dambeysa ay ku sheegi karto in dalka doorashao qof iyo cod ah ka dhici karto iyo kale.

Guddiga doorashada waxaa ay heyseen 5 sano, waxaa u haray hal sano iyaga oo dhici-doona July 2021-ka, kahor waa iney qabtaan doorasho qof iyo cod ah, waana shaqada loo abuuray.

Goobjoog News