U bood dhigaalka

Xarakada Al-shabaab oo xalay weerartay garoonka diyaaradaha Baydhabo

Sheeko:War

shabaab hoobiyaal

Rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaa lagu soo waramayaa in la maqlayay daryanka madaafiicda oo la sheegay inay si toos ah ugu dhacayeen xarumaha kala ah garoonka iyo madaxtooyada magaalada Baydhabo, halkaasi oo aan si dhab ah loo xaqiijin khasaarihii ka dhashay.

Abaare 07:00 PM ayay bilowdeen duqeymaha hoobiyaasha ee lala beegsaday xarunta madaxtooyada iyo garoonka Baydhabo

Weeraro goos goos ah ayaa Baydhabo ka bilawday galinkii dambe ee shalay ilaa xalay xilli dadka halkaas ku nool ay isku diyaarinayeen afurka. waa weerarkii ugu horeeyay oo noocan ah ee lala eegto madaxtooyada iyo garoonka Baydhabo inta lagu guda jiro bishan Ramadaan.

Wararka Goobjoog news