U bood dhigaalka

Xarunta Baarlamaanka Ciraaq oo Maalintii Labaad Dibadbaxayaal u Xiran

Sheeko:Caalamka

Xarunta Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa waxaa maalintii labaad ku sugan taageerayaasha wadaadka Shiiciga ah Muqtada Alsadri, kuwaas oo hoy ka dhigtay xarunta, qaar kamid ah mudaharaadayaasha ayaa Teendhooyin ka dhistay banaanka hore ee dhismaha , waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay sii deganaan doonaan.

Wasaaradda difaaca dalka Ciraaq ayaa bayaan kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ciidanka Milatariga dalkaas ay yihiin kuwa u adeegaya shacabka, sidoo kale ay mas’uuliyad ka saaran tahay mudaharaadayaasha iyo ilaalinta hantida dowladda iyo tan  gaarka loo leeyahay intaba, loona baahan yahay in feeljignaan ay muujiyaan.

Wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in ciidanku ay ka fogaadaan in ay ku milmaan siyaasadda dalka, waxaana loogu baaqay in ay dhex dhexaad ay ka noqdaan dhinacyada, Taageerayaasha wadaadka Shiiciga ah ayaa wali dul degan xarunta iyagoo laba habeen ku dhex hoyday hoyga.

Arrimahaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo dhowaan taageerayaasha hoggaamiyaha dhaqdhaqaaq Sadriyiin Muqtada Alasdri ay soo gaareen Qadka Cagaaran ee magaalada Baqdaad, taas oo ka dambaysay kadib markii hoggaamiyahooda uu ku baaqay in la sameeyo ayey keentay in ay soo gaaran guriga Baarlamaanka.

Goobjoog News