U bood dhigaalka

Xasan Abshir Faarax Oo Maanta Xubinnimadiisa Baarlamaanka u Banneeyay Wiil uu Dhalay

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax ayaa goor dhaw xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho waxa uu ka sheegay in uu iska casilay xubinnimadii baarlamaanka, arrimo caafimaad darteed.

Waxaa howshii uu hayay xildhibaanka lagu wareejiyay wiilkiisa Abshir Xasan Abshir Faarax, kaas oo isla maanta lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Abshir ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray, waxaana uu Ra’iisul wasaare ka noqday dowladii uu hogaaminayay C/qaasim ee lagu soo dhisay Carte ee dalka Jabuuti.

Goobjoog News