U bood dhigaalka

Xasan Sheekh oo Hambalyeeyay Guddoomiye Aadan Madoobe

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana uu bogaadiyay xildhibaannadii codkiisa siisay, maadama uu yahay waayo arag siyaasadda soo maray.

“Hambalyo guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka BFS mudane Sheekh Aaden Maxamed Nuur(Madoobe). Waxaan rajeynaa in khibraddaada & odaytinimadaada ay dadka Soomaaliyeed ku diirsan doonaan. Waxaan bogaadinayaa xildhibaannada Qaranka ee u soo dhabar adeygay guushan taariikhiga ah” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa caawa doorashadii ka dhacay xerada xalane eendaabka ku yaalla, kadib markii uu codad gaaraya 163 cod uu kaga adkaada musharraxii la soo gaaray wareegga labaad ee doorashada Xasan Cabdi Nuur oo dhankiisa helay 89 cod codadkii guud ee la dhiibtay.

Goobjoog News