U bood dhigaalka

Xasan Sheekh oo La Kulmay Deni, Ururro Siyaasadeed iyo Safiirka Mareykanka Kahor Shirka Farmaajo

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha Puntland, madax ka tirsan ururrada siyaasadda iyo safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Mudane Xasan ayaa waxaa uu kulan wadajir ah la qaatay madaxweynaha Puntland Saciid Deni,  guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran mudane Shariif Xasan Sheikh Aaden, guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran mudane xidlhibaan Suleyman Maxamuud Xaashi, hogaamiyaha xisbiga Wadajir mudane Cabdiraxman cabdishakur Warsame, guddoomiyaha xisbiga Kulan mudane Mohamed Cabdiraxman Siiriin iyo masuuliyiin kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan.

Kulanka ayaa la sheegayaa in xoogga lagu saaray  isku xog wareysi  xaalada guud ee dalka gaar ahaan siyaasadda, arimaha doorashooyinka ee taagan iyo xilliga kala guurka ah.

Dhanka kale, Xasan Sheekh waxaa uu sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyaga oo ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo, doorashada soo socota ee 2020/2021 iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wado cadaadis ka dhan Farmaajo ,xilli ninka dambe uu wado waqti dheereysi xilkiisa ah iyo meermeerin ku aadan qabashada doorashada.

Shirarkan ayaa sidoo kale dhacaya kahor shiray yeelan doonaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Daawo Kulamadii Xasan Sheekh,Beesha Caalamka Iyo Xisbiyada Dalka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/598836480995055/

Goobjoog News