U bood dhigaalka

Xasan Sheekh: Soomaaliya weli uma qaabeysna nidaamka federaalka

Sheeko:War
???????????????????????????????
MadaxweynahaDFS, Xasasn Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya weli aanay u qaabeesaneen nidaamka, Shuruucda iyo Tiirarka Federaalka loogu tala galay in lagu dhiso.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay ujeedka loo sameeyay maamullada kumeel gaarka, waxaana uu ku sheegay inay yihiin maamulo ka jawaabaaya rabitaanka dadka shacabka ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in maamulladaan lagu sii gaari doono nidaamka Federaalka iyo sharciyada Federaalka ee soo socda.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday warqad qoraal ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay oo tilmaameysa xaduudaha biyaha Soomaaliya

“Soomaaliya waxay leedahay badda ugu ballaaran qaarada Afrika, biyaha dalkeenna waxay ka badan yihiin baaxada dhulka Soomaaliyeed. Waxaanna nagu waajib ah Iilaalinta biyaha Soomaaliya. Xuquuqda ummad walabi waxaa lagu ilaashadaa sharuucdeeda iyo sharuucda caalamiga Soomaaliyana waxay xubin ka tahay dalalka saxiixay heshiska baddaha caalamiga. Isbuucii la soo dhaafay waxay Dowladda Soomaaliyeed diiwaangashatay 350 nautical miles oo ah biyaheenna xaqa aanu u leenahay” ayuu yiri Madaxweynaha.