U bood dhigaalka

Xasan Sheekh”Dowladdu Waa Iney Shacabka U Sharaxdaa Sababta Jubbaland Aysan Umaamulikarin Labada Goobood Ee Doorashada

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee dowladda federalka  Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday Garowe oo lagu maamusayey laba sano guuradii kasoo wareegtay markii la doortay madaxweyne Deni ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo xaaladdda dalka ah, kuwaas oo inta badan la xiriiray doorashooyinka qaranka.

Madaxweynaha oo soo hadalqaaday xaaladda gobolka Gedo ayaa madaxda dowladda ka dalbaday in ay cadeeyaan sababta Jubbalanad aysan u maamulayn doorashada gobolkaas ” Maamulka Jubbaland maamullada ayuu ka mid yahay heshiiskii  lagu yiri doorashada waa in ay laba meel ka dhacdaa caasimadda iyo meel kale oo suurto gal ay doorashada ay ka tahay, Puntland waxaa la yiri Garowe iyo Bosaso haka dhacdo, Galmudug waxaa la yiri Dhuusamareeb iyo Gaalkayo haka dhacyo, Hirshabeelle waxaa la yiri Jowhar iyo Baladweyn haka dhacdo, Koonfur Galbeed Baydhabo iyo Barawe haka dhacdo, Jubbalanna waxaa la yiri Kismaayo iyo Garbahaayey haka dhacdo”.

Sidoo kale Xasan oo sii hadalayo ayaa yiri” War intii kale hadii aysan masalo ka taagneyn oo labadii meel in ay ka dhacdo aan la isku haysanin markii wax laguu sheego ayaad wax fahantaaye, Jubbaland sababta aysan uga dhici karin, ama maamulka uusan u maamulikarin  afarta maamul goboleed ee kale ay mas’uul uga yihiin labadii meel ee dorashada , waa xaajo aan u baahanahay in dowladda federalka ah inta dadka hortimaado dadka ay u sharaxdo sababta dowladda Jubbaland aysan umaamuli karin labadii meel in ay dhahdo oo ay sheegto oo ay dadka ku qanciso in ay Jubbaland ay maamusho, dadka meesha fadhiya haddii la yiraado Puntland doorashada Bosaso ma  maamulayso waa maxay reaction ka imaanayo dadkaan iyo dowladda Puntlandba”.ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Xasan oo soo qaatay maahmaah ayaa yiri ” Kor waayeel waa wada indho ayaa la yiri, annagu waan fahmi waynay caqlina waan ku fahmiwaynay, nimankii noo gartay ee yiri Gedo Jubbaland waa laga reebayaa waa nafahamsiin la’yihiin, nafahmsiiya ayaan leeahay, haddii aad nafahasiisaan waan aqbalaynaa waana qaadanaynaa ee na fahamsiiya,arrintaas sidaas ayey u taagan tahay, waana la xalin karaa wax aan la xalinkarin majirto xuluusha qaarkeed talooyin ayaan ka leenahay nafteena dalkaan inuu hora u socdaan rabnaa”

Dhinkaa  kale Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskii doorashada ee kasoo bilowday Dhuusameeb kuna idlaaday Xamar ay taageereen” Heshiiskii Setember sanadkii lasoo dhaafay dhexmaray dowladda federalka iyo dowlldaha xubnaha ka ah federalka heshiis qurxuun oo Dastuur iyo sharci dugsoon ma aheen, heshiis siyaasadeed ayuu ahaa, wixii markaa la kari karay oo xaalada taagan looga jawaabi karay ayuu ahaa, waa la taageeray, annaga oo dad mucaarad ah nagula sheegay oo dowladda kasoo horjeedo waan taageernay bilowgii ma la isku yimid intaas ayaaba kheyr ah Dhuusamareeb1,2,3 kii Xamar dhammaan mid aanan taageerin malahan oo horay aan ka taageerin majiro, haddana macnaheedu ma aheen inuu dhinac weliba ka suubana, waxaan danenaynay in horay loo socdo” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in meesha saxta ka qurunsan tahay ay tahay inaan kalsooni la isugu qabin waxa lagu heshiiyo “Meesha Sarta ay ka qurunsan tahay waa kalsooni haddii ay kalsooni waayaan si kasta ay uqurux badan tahay ma shaqeynayaan, waxaan leenahay dowladda federalka” Uli ninkii dheer ayey dhufataa” ayaa la yiriye, dowladda fedralka iyada ayaa mas’uuliyadda hagaajinta doorashooyinka in ay dhacaan laga rabaa, waxaas ayey ka soo gaabisay dhihimayno waa laga yimid wixii shalay dhacay ma bedeli karno waxna kama qaban karn waxa barri soo socda in aysan naga xumaan aaye diiradda inaan saarno ay tahay waxyaabaha yaryarka ah ee jira waxaana laga heshiin karin majiraan waa la isku soo noqon karaa haddii shalay wixii lagu heshiiyey ay culeysyo kasoo baxeen”.

Googjooj News