U bood dhigaalka

Xasan Shiikh oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah Xildhibaannada Xawaadle

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah xildhibaannada laga soo doorto Hirshabeelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan oo naftiisu kasoo jeedo.

Xasan ayaa xildhibaannada kala hadlay doorashada madaxweynaha oo musharraxiinta tartamaya ay mid kasta doonayo in isaga la siiyo codadka, waxaana caasimadda siweyn looga dareemayaa ololaha iyo Kaambaynada.

Madaxweynihii hore ayaa kamid ah musharraxiinta ugu saameynta badan tartanka loogu jiro ku guulaysiga madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo Muqdisha  dhaci doonta 15-ka May 2022.

Goobjoog News