U bood dhigaalka

Xasan Shiikh oo Qaatay Shahaadada Musharraxnimo Maxaa Lagu Xasuustaa?

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa qaatay Shahaadada musharraxnimada madaxeynha 10-aad ee dalka, taas oo dhowaan ka dhacayso magaalada Muqdisho.

Hassan Shiikh Maxamuud ayaa u tartamayaa xilka madaxweynaha Soomaaliya markiisii sedexaad, waxaana uu kamid yahay musharraxiinta ugu saamaynta badan ee haatan ku tartamaya xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Mudane Xasan Shiikh ayaa ahaa  madaxweynihii 8-aad ee dalka soo maray, waxaana 10-kii September 2012 loo doortay madaxweynaha, isagoo  xilka kala wareegay madaxweynihii ka horeeyay  DKMG Shiikh Shariif Shiikh.

Madaxweynihii hor Xasan Shiikh ayaa waxaa lagu xasuustaa waxyaabihii uu ka qabtay dhismahii maamullada dalka, waxaana uu xilka ka degay isaga oo dhisay dhisay dowlad goboleedyo iyo dowlad dhexe oo wada shaqeeya.

Farmaajo oo xilka kaga dambeeyay ayaa ku guuldareystay inuu isku haayo dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana awood iyo dagaal uu ku qabsaday Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ciidamo lagu daabulay.

Xasan Shiikh ayaa sidoo kale meel fiican uga tagay wadahadallada iyo cilaaqaadka Soomaaliya iyo Somaliland, Farmaajo ayaan ku guuldaraystay inuu sii hagaajiyo wadahadallada labada dhinac, deeqihii caalami ayuu ka jaray

Xasan ayaa sidoo kale ayaa kale cilaaqaad fiican lalahaa maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxaana Farmaajo ku guuldareystay inuu dhankiisa la yeesho cilaaqaaad badalkeeda waxaa uu xoog ku qabsaday gobolka Gedo.

Goobjoog News