U bood dhigaalka

Xi Jinping Oo Gaaray Rwanda

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Shiinaha ayaa gaaray waddanka Rwanda isaga oo ka soo duulay dalka Senegal halkaasi oo uu shalay ku yimid booqasho.

Xi Jinping ayaa booqasho ku joogo qaaradda Afrika waxaa uuna booqashadiisa ku soo maray dalka Senegal isaga oo maanta tagay Rwanda sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu booqdo dalka Koofur Afrika.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in uu booqdo Xi Jinping Koofur Afrika halkaasi oo uu kaga qeyb gali doono shir madaxeedka ururka BRICS oo arbacada ka dhici doono magaalada Johannesburg.

Xi Jinping ujeedka booqashadiisa ayaa ah sidii lagu xoojin lahaa iskaashiga ganacsi iyo midka milatari ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo qaaradda Afrika.

Goobjoog News