U bood dhigaalka

Xidhibaan Sakariye “Dowladda Ha Qaadato Go’aan Xanuunjiya Kenya”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha xisbiga Garsoor, xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo u warammay Goobjoog ayaa ka hadlay arrimaha ku aaddan xiisadda Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu ugu horreyn soo dhoweeyey go’aankii ay dowladda dhexe ugu jawaabtay Kenya, balse wuxuu ku sheegay iney ula muuqatay jawaab dabacsan.

Wuxuu Xildhibaan Sakariye sheegay in madaxda dowladda looga baahnaa in jawaabta ay bixinayaan ahaato mid xanuunjisa Kenya, islamarkaana la tuso tabarteeda iyo sidoo kale Soomaaliya waxa ay tahay.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in gabi ahaan xiriirka loo jaro Kenya, sidoo kalena dalka laga saaro ciidankooda, lana mamnuuco qaadka ay dalka keenaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News