Xidhibaanno Ka Tirsan Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Gaaray Dhuusamareeb

Waxaa maanta galinkii dambe gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimaada dowlad goboleedka Galmudug wafdi xildhibaanno ah, kuwaas oo katirsan labada gole ee Baarlamaanka fedraalka Soomaaliya, waxaana siweyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraha,iyagoo hordhac u ah madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland .

Wafdiga xildhibannada ah ayaa waxaa kamid ah, xildhibaan Mustaf Dhuxulow,  xildhibaan Xasan Yare, xildhibaan Yuusuf Dhagey iyo xildhibaan Dhagdheer oo ka tirsan golaha Aqalka Sare, waxayna ka  qeyb-geli doonaan shirka madaxda dowlad goboleedyada oo lagu wado in uu si rasmi ah uga  ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa maanta gaaray wufuud kala duan kuwaas oo hor dhac u ahaa kuwa madaxda, waxaana ilaa iyo hadda garay magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana la sugayaa saacada soo socda madaxda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW