U bood dhigaalka

Xidigaha Qarniga oo La Shaaciyey, Ronaldo Ayaa Ku Jira

Sheeko:Caalamka

Xiddiga kooxda Juventus iyo Portugal Cristiano Ronaldo ayaa hantay abaalmarinta laacibka qarniga21-aad waxaana ku maamuustay Globe Seccer xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada Dubai ee isutagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu guddoonsiiyay shaqsigaan bilad ay ku suntantahay laacibka qarniga. Asigoo ku garaacay ciyaartooy miisaan ku leh sakxada kubadda cagta sida Messi, Mohamed Salah iyo Ronaldinho codadkii la dhiibtay.

Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola waxaa loo magacaabay Tababaraha Qarniga. Weeraryahanka ugu sareeya Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka. xiddigaan ayaa sidoo kale todobaadkii hore loo caleemo saaray laacibka sanadka ee FIFA, waxaa uu ku garaacay Messi iyo Ronaldo.

Abaalmarintan oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Isboortiga ee Dubai iyo Shirka Caalamiga ah ee Isboortiga ee Dubai, Abaalmarinta Kubadda Cagta ee Dubai Globe ayaa lagu sharfay ciyaartoydii ugu fiicnayd, tababarayaasha, kooxaha iyo wakiillada sannadka iyo sidoo kale qarnigii (2001-2020) Ronaldo, oo shan jeer ku guuleystay Ciyaaryahanka Sannadka ee abaalmarinta Kubadda Cagta ee Globe, ayaa tallaabo hore u qaaday oo ku guuleystay abaalmarinta Ciyaaryahankii Qarniga abaalmarintiisa muddadii 20-ka sano ee lasoo dhaafay.

Halkaan ka akhiriso liiaska abaalmiranada la bixiyay iyo sida loogu guulestay.

-Xiddiga qarniga 2001-200: Cristiano Ronaldo
– Kooxda ugu wanaagsan qarniga 2001-2020: Real Marid
– Abaalmarinta Xirfadlihii ugu wanaagsanaa Gool-haye: Iker Casillas
-Abaalmarinta Xirfadlihii ugu fiicaan Daafaca: Gerard Pique
– Kooxdii Sanadka 2020: Bayern Munich
– Weerar-yahankii Sanadka 2020: Robert Lewandowski
-Abaalmarinta Tababarihii qarniga 2001-2020: Pep Guardiola
-kooxdii Bariga dhexe ugu fiicneed 200-2020: Al Ahly