U bood dhigaalka

Xidlhibaan Khaliif Maxamed “Jawaari Ayaa Ku Dheggan Mooshinka Laga Keenay Madaxweynaha”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ka caga jiidayo in mooshinkaasi loo gudbiyo maxkamadda sare ee dalka.

Waxa uu tilmaamay in aysan garan sababta keenaysa xilligaan in gudoomiyaha uu ka meer meero gudbinta mooshinkaasi, si maxkamadda usoo kala cadeyso, isaga oo hoosta ka xariiqay in iyagu ay ku taagan yihiin waddo sharci ah.

“Jawaari ayaa ku fadhiya Arrintaan, waxaan leeyahay Jawaari haka kaco, nimankaan mooshinka diidan ee walaalaheena ah waxaan leeyahay waxa aan wadno waa sharci, umadana sharci bay u baahan tahay ee yaan la carqaladeyn hana lagu dhaqmo”

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale weydiinnay in arrintaan mooshinka ah iyo muranka ka jiro baarlamaanka uu horseedi karo in aan la gaarin hiigsiga 2016, waxaana uu sheegay in xilligaasi gaarideeda aanay wax shaqo ah ku lahayn madaxweynaha inuu sii joogo ama in la rido, howshaasina ay xukuumad u taallo.

“Howsha Soomaali u taallo waxaa wadeysa Xukuumad madaxweyne shaqo maba ku lahayn, mana ahan in la’isku xayiro, nimanka isku xayiraya wey muuqdaan ee halaga hor wareejiyo, hadii ay xukuumad kuu dhisan tahay dacwadana dhinac kale ayaa laga wadaa, hadii maxkamadda ay dhahdo dambigaas maleh madaxweynaha meesha ayeeyba ku dhamaatay, laakiinse waxaan leeyahay sharciga halagu dhaqmo”

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya waxaa ag yaalla mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xildhibaanno diidan mooshinkaasi ay guddonka u gudbiyeen qoraal soo jeedin ah, kaasi oo lagu laalayo mooshinka.

Goobjoog News