U bood dhigaalka

Xiisad dagaal oo saaka laga dareemayo duleedka Kismaayo

Sheeko:War
Askar ka tirsan maamulka KMG Jubba oo ku sugan duleedka magaalada Kismaayo
Askar ka tirsan maamulka KMG Jubba oo ku sugan duleedka magaalada Kismaayo

Xiisad u dhaxeysa hogaamiyaha Maamulka kumeelgaarka Jubba iyo Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa saaka laga dareemayaa duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose.

Xiisadan ayaa daba socota kadib dagaal khasaare gaystay oo shalay gelinkii dambe Ciidamada Barre Hiiraale iyo Kuwa Jubba ku dhax maray Deegaanka Goobwayn ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaal u hadlay Barre Hiirale ayaa sheegay in dagaalkan uu ahaa mid mudo ka socday Deegaanka Goobwayn , halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Barre Hiiraale.

Dadka Deegaanka ayaa Cabsi ka Muujinaya in dagaal uu ku dhexmaro halkaa Dhinacyada isku hor fadhiya waloow ay jiraan Dhaq dhaqaayo Ciidan oo Labada Dhinac ah.

Dhinaca Maamulka KMG Jubba ee uu hogaamiya Axmed Madoobe wali ma aysan ka hadlin dagaalka ka dhacay shalay galinkii dambe deegaanka Goobwayn ee Gobolka Jubbadda Hoose.

Barre Hiiraale ayaa ka mid ahaa dhinacyadii sheegtay madaxweynayaashii maamulka Jubba eek u dagaalamay Kismaayo.