U bood dhigaalka

Xijaar: Ma Damaanad Qaadi Karo Amniga Doorashada, Dib Haloo Dhigo

Sheeko:Baarlamaanka

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa wuxuu guddiga doorashada golaha shacabka ka dalbaday in doorashada guddoonka golaha shacabka dib loo dhigo, waxaana uu sabab uga dhigay in guddiga iyo guddoonka KMG ah aysan wali ciidanka aysan kusoo wareejin liiska dadka imaanaya iyo goobta.

Taliya ayaa cad u sheegay  doorashada  barri ka dhacaysa Teendhada Afisyooni amnigeeda uusan damaanad qaadi karin  ciidanka Booliiska, waxaana uu u sababeeyay in xiligaan aysan jirin, wax loo soo gudbiyay oo ku aadan goobta doorashada ay ka dhacayso iyo tirada dadka imaanayo sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Booliiska.

“Waxaa dib u dhac ku yimid guddoomiyaha KMG ah iyo qolada la shaqeynaysay oo ilaa iyo xiligaan aan u soo gudbin ciidan Booliiska Soomaaliyeed, Hangarka ay lahaayeen waan ku qabanaynaa, inaan liiska Media la keenin, inaan la keenin musharraxiinta meesha imaanaysa, inaan la keenin dadkii la casuuunmay  oo dad aad u tiro badan ah, taas waxaa ay itusaysaa booliis ahaan mas’uuliyadda aminga inaan damaanad qaadi karin” ayuu yiri.

Hadalka kasoo baxay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalinta barri ah lagu wado in doorashada guddoonka golaha shacabka ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee xeendaabka Xalane, waxaana jirtay in Rooble uu fariin ku aadan amniga doorashada barri uu u diray taliska ATMIS.

Goobjoog News