Xoosh “Aqalka Sare Dowlad Wanaagga Ugu Fiican Meeshii Uu Ka Bilaaban lahaa Waaye”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in aqalka sare ee baarlamaanku yahay meesha laga filayo iney ka bilaabato dowlad wanaagga Soomaaliya.

Xildhibaanka oo aan la yeelanay wareysi aad u dheer, ayaa ugu horreyn sheegay inaan fikradda aqalka sare hadda bilaaban laakiin dhowr iyo toban sanno ka hor lagu fakarayay in dalka loo sameeyo;

“Aqalka sare hal maalin laguma riyoonine waxaa loo sameeyay nidaam federaal ah, haddii la fiiriyo nidaamyada federaalka ee waddan kasta oo federaal ah waxa uu leeyahay aqal sare, aqal sare waxa uu la socdaa federaal, horta yaan laga dhigin in aqal sare uu hadda iska yimid 2004-tii baa lagu ballamay in la sameeyo”.

Waxa uu ka hadlay abuukaate Xoosh faa’idada uu leeyahay federaalka inuu yahay mid maalulka dowladnimo lagu daadajino;

“Faa’iidada uu u leeyahay waddanka nidaamka federaalku maxay tahay, waxa weeyaan inuu nabad keeno kow, midda labaadna waa inuu keeno kobcin dhaqaale gobollada iyo tuulooyinka, maxaayeelay dagaallada sokeeye ee nasoo dhex maray waxyaabaha ay ka bilowdeen waxaa ka mid ah in laga yimid meeshii ay dadku u badnaayeen labo magaalo iyo saddex magaalana la iskugu yimid, dhibaatada halka ay ka timid meeshaas ayay ahayd, hadda waxaa la bilaabay in wixii la kala fududeeyo oo la baahiyo dowladnimada, adeegga, xukunka intaba in la baahiyo”.

Xildhibaanka ayaa xusay in madaxda aqalka sare ay matalaadoodu noqoneys labo dhinac oo kala ah maamulka laga soo doortay iyo qaranka;

“Aqalka sare waxa uu noqonayaa ulajeedadiisu dadka matalayaa gobolkii laga soo doortay way matalayaan, qaranka dhanna waa matalayaan labada waa matalayaan,  waxyaabaha ay ka hadlidoonaan ee loobaahan yahayna waa iney ka xaajoodaan fadreeshinka iyaga iyo baarlamaanka, waddanka dakhliga soo gala sidee loo qeybsadaa, sidee loo qeybsadaa canshuuraha, dakhliga waddanka soo gala, side adeegyada loo qeybsadaa”.

Xildhibaanku waxa uu rajo ka muujiyay in aqalka sare noqon doono meesha ay ka bilaabato dowlad wanaagga Soomaaliya.

“Doodaha iyagaa keenaya, laakiin talada kaligood malaha, aqalka hoose ee baarlmaanka ayaa la leh, dowladdaa la leh, shacabkaa la leh, laakiin dowlad wanaagga ugu fiican meeshii uu ka bilaaban lahaa waaye”.

Shuruucda aqalka sare ayaa ah mid si wananagsan ugu qoran Dastuurka KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya;

“Shuruucda aqalka sare Dastuurka ayay ku quran yihiin waliba si wanaagsan, 2012 waxaa la yiri ha la laalo aqalka sare maadaama aaney dhisneyn dowlad goboleedyadii; laakiin shuruucdii ay ku dhisnaayeen waxa ay ku qoran yihiin Dastuurka, waxa kaliya oo ka khaldan waxay tahay sharciga dastuurka ku yaalla waxa uu yahay in aqalka sare dadka u tartamaya shicibku iney soo doortaan, taasina hadda ma suurtogali doonto, laakiin marka 2020-ka la gaaro aqalka sare iyo aqalka hoose-ba hal qof iyo hal cod in lagu soo wada doorto”.

Doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si habsami leh uga socota guud ahaan dalka iyadoo ay soo dhameystirmeen xubnaha dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed, u matalaya aqalka sare.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW