U bood dhigaalka

Xildhibaan Abshirow “Waa In Dowladda Ay War Cad Kasoo Saartaa Dhibaateynta AMISOM Ee Dadka Shacabka Ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatooyin ciidamada AMISOM ay kula dhaqaaqeen dad shacab ah oo ku sugan magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in AMISOM shaqadii ay dalka u joogtay hareer martay, islamarkaana waxa uu ku canaantay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed in degdeg ay jawaab uga keenaan wixii dhacay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in AMISOM laga doonayo magdhawga dadkii shacabka ahaa ee ay ku dileen magaalada Marka.

“Waa in dowladda ay war cad kasoo saartaa dhibaateynta AMISOM ee dadka shacabka ah, ma ahayn in shacabka ay laayeen, waxay dhinac mareen shaqadii ay dalka u yimaadeen, dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed ma ahan in arrintaan ay ka aamusaan, waa in war cad ay soo saaraan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Shalay ayaa ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Marka waxa ay dileen dad shacab ah oo ka badan 10 ruux, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood ay guryahooda kala baxeen.

Goobjoog News