U bood dhigaalka

Xildhibaan Aweys Cabdullaahi “Xukuumadda Waxaan Ka Dalbanay Wax u Qabashada Soomaalida Yemen”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Aweys Cabdullaahi Ibraahim oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ahna xoghayaha guddiga arimaha dibadda baarlamaanka ayaa sheegay in xukuumadda ay ka dalbadeen in degdeg loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalka Yemen.

Waxa uu sheegay in ka baarlamaan ahaan ay aad u xanuunjinayso xaaladda dadka Soomaaliyeed ee Yemen hadda ku sugan yihiin.

Wasaaradda arimaha dibadda ayuu xusay xildhibaanka in si gaar ah ay ugala hadleen sidii dadkaasi loo soo daabuli lahaa, waxaana uu sheegay in loo sheegay in la wado qorshaha ah sidii dadkaasi loo soo badbaadin lahaa.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa xaqiijiyay in wasaaradda arimaha dibadda ay balan qaad ka heshay safiirka Imaaraadka oo Laba Markab ku caawin doona soo daabulidda qaxootiga iyo hay’adda IOM oo diyaarad ku caawin doonta.

Dalka Yemen waxaa ku dhibban dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo dushooda dagaallo ay ka socdaan, waxaana jirin weli gurmad rasmi ah oo dadkaasi loo fidiyay.

Goobjoog News