U bood dhigaalka

Xildhibaan Axmed Aabi“Cabashada Xamar Ayeey Ka Jirtaa, Xamarna Ma Ahan Jubbaland”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Aabi oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in cabashada ka dhanka ah baarlamaanka Jubbaland ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho, hase ahaatee aanay ka jirin casbashadaasi deegaanada Jubbaland.

Waxa uu tilmaamay in mooshinka laga keenay Baarlamaanka Jubbaland aanu ahayn mid sharci ah, islamarkaana baarlamaanka uu ku sigtay in uu arrintaasi ku kala qeybsamay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Xildhibaan Aabi ayaa daaha ka qaaday in mudanayaasha mooshinka wada ay u badan yihiin kuwo uu sheegay in xildhibaanno Jubbaland ah ay la doonayeen dad ay isku dhaw yihiin, ama wax la mid ah.

“Arrintaasi waa damac siyaasadeed, duulaan siyaasadeed, Xamar baa laga qeylinayaa oo kaliya, laakiinse waxaan cadeynayaa in aanu jirin khilaaf Jubbaland ah, cabashada Xamar ayeey ka jirtaa, xamarna ma ahan Jubbaland” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay baarlamaanka Jubbaland ka dib markii ay sheegeen in aan loo marin hanaankii saxda ahaa waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News