U bood dhigaalka

Xildhibaan Axmed Mayow” Doorashooyinka Dalka Kama Dib Dhacayaan Bisha Saptember”

Sheeko:Baarlamaanka

Axmed Mayow Cabdulle “Korneyl Ruush” oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Goobjoog News u sheegay inuu aaminsan yahay in doorashooyinka dalku aaney ka dib dhacayn bisha September.

Xildhibaanka oo aan la yeelanay wareysi gaar ah oo ku saabsan xaaladda doorashooyinka dalka iyo dib u dhaca ka jiray, ayaa carrabka ku adkeeyay in doorashadu aaney dib uga dhici doonin bisha September:

“Warar badan ayaa la isla dhex marayaa, laakiin aragtideyda ma qabo in wax yar mooyaane bilo sidaa u sii xooggan aaney dib u dhacayn, waxaan u maleeynayaa doorashada haddii August ay dhici weyso in September ayna dhaafi doonin ayaan u maleynayaa, waayo? Dastuurka wuxuu qoraayaa in 20 August baarlamaanka ku egyahay, in kasta oo uu jiray qodob  baarlamaanku u fasaxay, dadkuna u fasirtay inuu wakhti kororsi sameystay, laakiin aragtidayda doorashada waxaan qabaa inaaney ka dib dhici doonin bisha September”.

“Inkastoo madashu ay wixii la wareegtay oo ay qorshihii ay dajiyeen maalmo badan kasoo wareegtay, wixii la qaban lahaana ay dib u dheceen, September wax waa la qaban karaa, si kale haddii loo dhigo wixii ay madashu isku raaceen waxbay ka bedali karaan ama qaab kale ayay u farsameyn karaa, laakiin maladayda uma maleynaayo in September ay dib uga dhacayso”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar aan weydiinnay haddii dib u dhac xoog leh uu ku yimaado doorashada waxa la fili karo, ayuu ku jawaabay:

“Wixii lagu ballamay ayuunbaa dib looga dhacay, taasina waxay noqoneysaa in fashilaad badani ka timaaddo oo talooyin badan la iskugu imaan doono sidii wax loo xallin lahaa”.

Si kastaba, Doorashooyinkii dalka ee qorsheysnaa iyo jadwalkii shaxda doorasho laga soo saaray ayaa waxaa ku yimid dib u dhac aan la ogeyn mudada uu qaadanayo, iyadoo laga dhur sugayo go’aanada shirka madasha ee bisha dambe horraanteeda la filayo inuu Muqdisho ku qabsoomo.

Goobjoog News