U bood dhigaalka

Xildhibaan Beenebeene: Waa in Matalaadda Banaadir Laga Dhigo 13 Xubin

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in matalaadda Muqdisho ay qeyb ka tahay dowladnimada.

Xildhibaan Beenebeene oo Tweeterkiisa soo dhigay qoraalkan “Dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya waxaa qeyb weyn ka ah xal u helidda Maqaamka Iyo Matalaadda Caasimadda Mogadishu/G.Banaadir. Golaha Shacabka maanta waa in ay ansixiyaan xeerka matalaadda G/Banaadir, tiradana laga dhigaa ugu yaraan 13 xubin.# I Support that motion#”

Xildhiban Maxamuud oo hadda ku sugan Mareykanka ayaa ka mid ah Xildhibaannada taageersan in Muqdisho matalaad yeelato isla markaana uu mooshinkan gudbo.

Goobjoog News