U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre “Shirka Kismaayo Waxaa Kasoo Baxaya Oo Kaliya In Dadka Mindiyo La’isugu Dhiibo”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay shirka lagu wado in maanta uu ka furmo magaalada Kismaayo, kaasi oo uu sheegay in aysan wax natiijo ah kasoo baxayn.

Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in xilligaan madaxda dalka wax loo yeeriyo, isaga oo sheegay in la hareer maray baarlamaankii Federaalka Soomaaliya.

Shuruucdii dalka u taallay ayuu sheegay xildhibaanka in ay ku tumanayso beesha caalamka, islamarkaana ay wax u yeerinayaan madaxdii dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaad moodaa shirarkaasi nimanka garwadeenka ka ah ee ajaaniibta ah inay wax un u yeerinayaan madaxda, waxaad moodaa in shuruiucdii dalka oo dhan inay inkireen oo ay gees mareen, waxaad moodaa in aysan waxba ka aqoon awoodii ay dalka ku lahaayeen, waxay awoodi la yihiin inay yiraahdaan annaga cidna waxba nooma yeerinayso, waxaan nahay dowlad KMG ka baxday walibana rasmi ah, annaga ayaa go’aan ku gaareyna sidii aan ku gaari lahayn doorasho rasmi ah, meeshii ay sidaasi ka oran lahaayeen madaxii ayeey hoos aadiyeen, aad ayaan uga xumahay mas’uuliyiintii dalka ugu sareysay inay madaxooda hoos aadiyeen”

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa dhinaca kale sheegay in shirka Kismaayo ka furmayo uu yahay mid ay u arkaan in dadka Soomaaliyeed la’isku sii diro oo la doonayo in dalka aanu xasilin, isaga oo baarlamaanka ugu baaqay in fiiro gaar ah u yeesho waxa kasoo baxaya shirkaasi.

“Waxaan leeyahay dalka baarlamaan buu leeyahay, arrintaasi baarlamaanku waa in uu fiiro gaar ah ka lahaadaa waxyaabaha halkaasi kasoo baxaya oo la inkirayo shuruucdii dalka u taallay oo aad moodidba in madaxdii wax loo yeerinayo walibana meesha loo keenay in wax loo yeeriyo oo kaliya, shirka Kismaayo wax kasoo baxaya malahan, wixii meeshaasi kasoo baxana waa wax dadka Mindiyo la’isugu dhiibayo, la’iska horkeenayo ama la’isku dirayo, taasina waxaa daliil u ah sida loogu yaacayo halkaasi” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre.

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose inuu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaranka kaasi oo looga hadlayo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sanadkaan 2016.

Goobjoog News