U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf “Puntland Wey Isku Filan Tahay Umana Baahna Ciidamo Gurmad Ah Oo Loo Diro”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ka tirsan Guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Puntland ay isku filan tahay isla markaana aaney u baahneyn ciidamo gurmad ah.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn hadalkiisa ku bilaabay in guud ahaan Soomaaliya ay ku socoto mu’aamaro, waxaad moodaa meel kasta oo nabad ah in dhibaato laga abuurayo, dhacdada Puntland ee weerarkii Al-shabaab ayuu ku tilmaamay iney ka mid tahay dhibaatooyinka dalka, waxaanuu sheegay in Soomaalidu inta ay isku jeedaan loo tashanayo.

Waxa uu talo guud u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed oo u sheegay iney midoobaan, sharaftii iyo haybaddii Soomaaliya iney soo celiyaan, Soomaaliya cidi dowlad lama rabto, dagaaladani kuwa Soomaaliya ku cusub maaha, waxaa la rabaa in dabo iyo dacal iney holacdo, haddaan Soomaali mowqif adag laga helin.

Waxa uu sheegay hadda halka lakala taagan yahay inaan la isku gurman Karin, dadka markii ay calooshoodu isku fayowdahay, markii Soomaalinimadii dhabta ahayd la helo iyo hogaan daacad ah isku keenidda Soomaaliyana ay daacad ka tahay, ayaa  la isku gurman karaa ayuu sheegay.

Xildhibaanku waxa uu ka hadlay gurmadka ay dowladdu ka geysatay dagaaladda Puntland iyo Al-Shabaab ee Garacad iyo Suuj, waxa uu sheegay in dowladdu ay shacabkii wakiil ka tahay, gobol kasta iyo tuulo kasta oo Soomaaliyeed dhibaatadii ka dhacda iney u gurmato xaq bay u leedahay, waana waajib saara, wax loogu mahadceliyo maah, xildhibaanka ayaa shaki ka muujiyay in gurmadkan oo aan horey xukuumadda Federaalka looga baran inuu u eegyahay mid siyaasadeed iyo kursi galaan galkiis doorashada soo aaddan ee 2016, kamana aha daacadnimo ayuu yiri xildhibaanku.

“Puntland way isku filan tahay, waxay haysataan ciidamo milatari iyo ciidan daraawiish ah oo adag iyo boolis ah oo isku filan, iskana difaaci kara cid kasta oo cadow Soomaaliya ku ah” ayuu yir xildhibaan Cabdi Barre.

Puntlanad iyo Soomaaliland ayuu amaan u soo jeediyay inaaney ajinabi ilaalin, waxaanuu sheegay iney isku filan yihiin.

Xildhibaanka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in la yiraahdo Puntlanad ayaan ciidamo u direynaa, waxa uu yiri dowladda Soomaaliya iyadaa ajinabi ilaaliyaa horta ha diyaarsadaan ciidamo ku filan oo ajinabiga ha ka maarmaan, markaa ciidan wxaan u diri karnaa caalamka.

Si kastaba Puntlanad ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socoday dagaallo u dhexeeya ciidamadeeda iyo kuwa Al-Shabaab oo weerar lama filaan ah ku qabsaday Garacad 14 Marso, arrinkaas oo walwal badan ku abuurtay Puntland, kana abuurtay xaalad deganaanshiyo la’aan ah.