U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Shire “Ciidamada Kenya Kufsi iyo Dil Ayeey Ka Wadaan Gedo”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka Kenya ay dhibaato bada ku hayaan shacabka ku dhaqan gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ciidanka Kenya ay dhowaan Shan gabar ku kufsadeen gobolkaasi, sidoo kalena ay duqeyn cirka ah ku laayeen shacab aan waxbo galabsan iyo xoolo badan.

Dowladda Kenya ayuu xildhibaanka ku eedeeyey iney wax ka ogtahay arrintan, islamarkaana ay tijaabinayaan damiirka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“24-kii July ciidamada Kenya waxay kasoo tallaabeen xadka, Shan Gabdhood ayeey jidka u galeen oo ay kaxeysteen, waxay geeyeen goobtoodii, Afar saac oo subaxnimo kufsigii ay ku bilaabeen illaa 8-saac ayeey kufsanayeen, gabadhihii oo suuxsan baa niman Odoyaal ah meesha kasoo qaaday” ayuu yiri xildhibaanka.

Ugu dambeyn, xildhibaan Cabdi Shire ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in tallaabo degdeg ah ka qaadaan arrintan ay ciidamada Kenya ka geysteen gudaha dalka.

Goobjoog News