U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdirashid Cabdullahi Maxamed : Hawada Soomaaliya waxaa ka soo Xarootay Nus Billion, Lacagtaas Umadda Soomaaliyeed  Wax Looga Soo Celiyay Ma Jiraan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdirashid Cabdullahi Maxamed oo ah guddoomiya guddiga Howlaha guud ee Baaralamaanka(Tamarta, garoomada, Dekadaha iyo Gadiidka) ayaa wareysi gaar ah uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in aanay jirin dad aqoon leh oo ka shaqeeyay Hawada Soomaaliya  isagoo dhaliilay Mashruuc dhawaan lagu dhagax dhigay Xaruntii laga hagi lahaa hawada Soomaaliya.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in dhawaan la dhaxa dhigay xaruntii laga hagi lahaa hawada Soomaaliya iyo in Mid kale la dhagax dhigi doono Hargeisa, Xildhibaanka ayaa ku dooday in hawadii oo gacanta Soomaaliya ka maqan 25 sano dhagax dhig aanu wax Micno ah soo kordhineyn.

Xildhibaan Cabdirashid waxaa uu qabaa in dowladda aanay heyn Wadadii ay ku soo celin laheyd hawada Soomaaliya, iyadoo horay u sheegay in hawada la soo celin doono January 2014, hadana uu sii dhamaanayo 2015.

Xildhibaanka waxaa uu soo jeediyay in si fiican looga shaqeeyo sharciga duulista Hawada, sida sharciyada Control iyo sharciyada kale iyo in ay shaqeyso hay’adda duulista oo hadda Magac u yaal ah.

Xildhibaan Cabdirashid mar la weydiiyay in uu wax ka og yahay dhismaha Xarunta laga hagayo hawada ee lagu dhagax dhigay Muqdisho waxaa uu sheegay in uu ka arkay Hawada.

Xildhibaanka ayaa is weydiiyay sida Hargeisa looga dhisayo goob laga maamulo Hawada xili Maamulkaas uu sheegay in uu ka go’ay Soomaaliya isla markaana aanay tagi Karin Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka midna.

Arinta dhaqaalaha ka la aruuriyay Hawada 20kii sano ee la soo dhaafay waxaa uu sheegay in 20 Milyan ka soo xaroon jiray sanad walba, marka la isku darana uu ka badan yahay 400 Milyan, Lacagtaas wax laga hayo Ma jiraan sida uu sheegay Xildhibaanka.

Goobjoog News