U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdirashid Maxamed “Madaxda Qaranka Ma Rabaan Midnimo Soomaaliyeed”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Cabdulahi ayaa dhaleeceeyay shirka Wada tashiga ee ka socda magaalada Muqdishu isagoo sheegay in aanay shirka u dhameyn dhamaan maamullada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Gobalada ka maqan ay ka mid yihiin sida Awdal, Waqooyi Galbeed iyo Sool iyo Sanaag.

Xildhibaanka waxaa ayaa intaa ku daray in gololadaas ay ka jiraa dhowr maamul sida Somaliland, Awdal State, Maakhir iyo Kaahtumo oo dhamaantood aan kasoo qeyb galin shirka, taas oo wax u dhimeysa Midnimada Soomaaliya.

Xildhibaanka waxaa uu qabaa in shirka lagu faqooqay qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliya, taas oo aheyd in lagu casuumo meelaha looga hadlayo Masiirka Umadda.

Wada Hadalka Soomaaliya iyo Somaliland ayuu ku sheegay in ay yihiin waxba kama jiraan iyo Ajandayaal qarsoon, isagoo Madaxda Soomaaliyeed ku eedeeyay in aanay rabin Midnimada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in la soo dhaweeyo dadka jecel Midnimada, in laga qeyb galiyo Midnimada iyo in Xasan Sheekh uu Madaxweyne u noqdo Lowya Cadde iyo Raaskambooni.