U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdisamad Macallin “Maamullada Dalka Ka Jira Waxay u Baahan Yihiin In La Marsiiyo Darqiid Ay Sharci Ku Noqdaan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildihbaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka mid ahaa xildhibaanadii gudoomiye Jawaari ku wehlinayay safarkii uu ku tagay degmada Dhuusamareeb ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay ulajeedka safarkaasi iyo sidoo kale cidda ay halkaasi kula soo kulmeen.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay la kulmeen shacabka ku dhaqan degmada Dhuusamareeb islamarkaana ay la kulmeen madaxda maamulka lagu magacaabay goballada dhexe ee looga dhawaaqay Dhuusamareeb.

Waxa uu tilmaamay in safarkaasi uu ahaa mid gudoomiyaha uu ku doonayay inuu wax uga dhageysto shacabka iyo maamulkaasi oo uu sheegay in arrimo badan ay kala hadlayeen.

Mar uu ka hadlay eedeynta ku aadan gudoomiye Jawaari ee ka timid Galmudug ayuu ku difaacay xildhibaanka in gudoomiyaha halkaasi uu u tagay dalab uga yimid maamulka Gobalada Dhexe (Ahlu-sunna) si looga shaqeeyo nabadda iyo midnimada.

Xildhibaanka oo aynu weydiinnay sharci ahaanshiyaha maamulka gobalada dhexe ayaa yiri “ Maamullada jira oo dhan waxay u baahan yihiin in la marsiiyo darqiid ay sharci ku noqdaan, mid qof jeclaysi ama ila haboontahay wax ku noqda ma jiraan, waxaa jiro nidaam dowli ah oo Dastuurka dalka Soomaaliyeed uu qorayo oo marka maamul gobaleed la aqoonsanayo waxaa jira wadooyin sharci ah oo marka ugu horreyso dowladda Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaan Soomaaliyeed uu ansixiyo” ayuu yiri xildhibaanka.

Muran badan ayaa ka dhashay safarkii gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ku tagay degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud, iyadoo maamulka Galmudug uu safarkaasi ku tilmaamay mid carqalad lagu abuurayo wada hadal ay la lahaayeen Ahlu-sunna.

Goobjoog News