U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdisamad Macallin oo Ka Hadlay Safar Shaqo uu Ku Joogo Magaalada Dhuusamareeb

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdisamad Macalln oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo muddo dhowr cisho ah ku sugnaa gobolka Galguduud , gaar ahaan xarunta gobolka ee Dhuusomareeb ayaa ka hadlaya u jeedada uu gobolka u tagay, waxaanuu ku sheegay iney tahay xallinta khilaafka siyaasadeed ee  Galmudug iyo maamulka Ahlu-Sunna.

Xildhibaan Cabdisamad oo saxaafadda kula hadlay magaalada Dhuusomareeb ayaa ugu horreyn sheegay:

“Waxaan rajaynayaa inaan booqashadeydu maanta oo kaliya aanay ku ekaan oo ay ii qorsheysan tahay inaan maalmo dambe sii joogo, arrimo farabadan oo dhinaca siyaasadda ku saabsan,  maamulka, deegaanka, oo ku saabsan waxyaabahan faraha badan oo ismaandhaafka deegaanka inaan shaqo farabadan ka qabto”.

Waxa kale oo uu xildhibaanku sheegay inuu booqasho ku sameeyay xarumaha adeegga caafimaad, waxaanuu sheegay inuu ku faraxsan yahay dadaalka ay dadka deegaanku u galeen hagaajinta adeegyada caafimaad.

“Waanan rajeynayaa xildhibaanada kale ee degaanka ka tirsan inaan halkaan iskugu wada nimaadno shaqadaasi isla kaashanno, waxaan aad ugu faraxsanahay dadka shacabka ah ee deegaanka jooga niyadooda wanaagsan iyo sida ay isku xil qaameen, waxaan aad ugu farxay markaan soo arkay cusbitaalka guud ee magaalada Dhuusomareeb oo run ahaantii ay ka muuqato dadaal farabadan, dhakhaatiirta ha noqoto ama shacabka deegaanka ama maamulka , si wadajir ah ayaa la iskaga kaashaday oo markii aad dhex marto aad dareemayso”.

Magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galguduud ayaa ah caasimadda maamulka  Galmudug oo wali aaney u suurto gelin  inuu maamulku ku shaqeeyo, iyadoo sababta ugu weyni ay tahay  khilaaf siyaasadeedka  u dhexeeya Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo aan wali xal nabadeed laga gaarin.

Goobjoog News