U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac “Madaxweynaha Lamaba Ridi Karo Hadii Ay Taageersan Yihiin 126 Xildhibaan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hadii ay jiraan 126 xildhibaan oo taageersan madaxweynaha in aan la ridi karin madaxweyne Xasan Sheekh, balse waxa uu calaamad su’aal uu dul dhigay iyadoo tiradaasi ay jirto in hadana mooshinka uu jiid jiid galo.

Waxa uu sheegay in taasi ay ka dhigan tahay in tiradaasi aanu sax ahayn, isaga oo tilmaamay xildhibaan Cabdullaahi in hadii ay tiradaasi jiri lahayd in mar hore mooshinka la keeni lahaa, maadaama ay iska caddahay in tiradaasi ay madaxweynaha riditaan ka badbaadin karto.

“Waxaan kuu sheegayaa hadii xildhibaanno intaasi la eg ay taageersan yihiin madaxweynaha maba laga rayn karo, waxaaba fiicanba in horayba baarlamaanka laga keeno oo loo codeeyo, 185 ayaa loo baahan yahay si madaxweynaha loo rido, 126 hadii ay taageersanyihiin lamaba ridi karo, waxaana halkaasi ku buraya arrinta mooshinka, hadii ay taasi dhab tahay maba u baahnaateen is jiid jiid, laakiinse waxaan u maleynayaa inay wax u dhiman yihiin” ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale xildhibaan Cabdullaahi Jaamac ayaa sheegay in guddonka baarlamaanka aanay ka hayn in mooshin kale ay ka qabteen xildhibaanada taageersan madaxweynaha, isaga hoosta ka xariiqay in aanu fileyn sharciga inuu aqblayo mooshin noocaasi oo kale ah, balse waxa uu tilmaamay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin in cidda ay rabaan taageeri karaan.

Habka baarlamaanka Soomaaliya uu doortay ayuu xildhibaan Cabdullaahi ku sheegay mid la xisaabtan ah islamarkaana furfuran, walibana aysan weli gaarin hanaankaan la xisaabtankaan ah qaar badan oo ka mid ah dalalka Afrika.

Goobjoog News