U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdullahi Jamac oo sheegay in Doorashada 2016-ka Tahay Mashruuc Ajnabi

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibanka Cabdullahi oo ka hadlay Shirkan Watashiga ayaa sheegay in looga hadlayo shirkan Doorashada iyo xulista Baarlamaanka Soomaaliya 2016-ka.

Xildhibaanka waxaa uu ku eedeeyay beesha Caalamka in ay wadaan Doorasho Jacbur ah oo aan aheyn Doorasho dadka si toos Xildhibaanada u doortaan ama tii 2012-kii ee Odayaasha soo xulayeen.

Xildhibaan Jamac waxaa uu ku dooday in doorashooyinka Jacburka ah laga soo hirgaliyay dalalka Ciraaq iyo Afgaansitaan iyadoo ay daba ka riixaayaan UN-ka iyo hay’ado kale isagoo intaa ku daray in aanay ka soo socon wax kheyr ah.

Xildhibaanka oo ka tirsanaa guddigii Dastuurka ee Kampala Road Map ayaa cod dheer ku sheegay in Soomaaliya ay ku dul noolyihiin Shishiiye  doonaya in Magaca Soomaaliyeed ku cunaan Mashaariic iyo dhaqaale.

Xildhibaan Cabdulahi waxaa uu qabaa in Baarlamaanka soo socda uu noqdaa mid matala Soomaaliya oo dhan, Mid waqooyi iyo koofur isku keena, Mid degmooyinka laga soo doorto, Mid Axsaab ka dhex muuqdaan.

Xildhibaanka waxaa uu ku eedeeyay in Beesha Caalmaka in ay ku jiraan  dalal doonaya in Soomaaliya ay meesha fadhiso oo aanay ka kicin, amniga waxaa uu gacanta u jiraa sida uu sheegay AMISOM iyo dalalka dariska iyagoo aan dooneyn in Ciidankanka Qaran Soomaaliyeed la dhiso si ay kuwaas u badalaan.

Xildhibaan Cabdulahi waxaa uu ku taliyay in Sanaadiiqda doorashada lagu kala baxo doorashada soo socota.